Ururka Daryeelka Degaanka Saaxil

Ku soo dhawada Urukan Daryeelka Degaanka Saaxil ururkan oo ah urur madaxbanan Ururkan waxa la asaasay 2007-09-15 Ururkan waaxa loo asaasay in u wax u qabto gobolka Saaxil khaasatan magalada Berbera.

Berbera, SomalilandMelaaha aanu doonayno in aan wax ka qabano waxa ka mid ah dhinaca wax Barashada,Caafimaadka, dhaaqaalaha, Curyaaminta iyo wax yaabo kalebaba, walayaal hadii aad donaysan in aad waxnagala qabataan gobaalkan nala soo xidhiidha waana fii sabililaah.

 
Berbera Waxa Sidan U Galay Laba Masuul Oo Ooryo Walaal Ah Iyo Maayarka & Maareeyaha,Imikana Diyaar U ah In Dekeda Lagu Wareejiyo Jabuuti”
Berbera Waxa Sidan U Galay Laba Masuul Oo Ooryo Walaal Ah Iyo Maayarka & Maareeyaha,Imikana Diyaar U ah In Dekeda Lagu Wareejiyo Jabuuti”

 
(photo File: Noobiyad Magaalada Berbera)

hadhwanaag 2009-06-25 (Hadhwanaagnews) Berbera(HWN)-Markaad dhaafto kaantaroolka laga soo galo magaalada Berbera waxaad maqlaysaa ama dhegahaaga ku soo duulaya cida tukaha madaw, cabaar markaad socoto waxaa indhahaagu qabanayaan qof-qof si teel teel u maraya meelo kala duwan oo ka mid ah xaafadaha magaalada iyo wadooyinkaba, hadaad isha la sii raacdo qaybaha kala duwan ee magaalada waxaa arkaysaa dhismayaal dunsan oo xusuustaada dib u soo celinayso in magaaladani ku jirto 1991-kii aakhirkana aad ku adkaysanayso inay tahay magaalo laga guuray inta joogtaana ay diyaar u tahay inay baxdo. hadana waxaa jira dareemo kaa hor istaagaya waxyaabahan aad iswaydiinayso.

Hadaad sii wadato daansha-daanshoodka magaaladan waxaa qiiro ku galinaysa siday ay
Magaaladu ugu baahan wax qaban, ugu ooman tahay inay la mid noqoto magaalooyinka dhigeeda ah, Magaaladan Berbera oo hadana ah hoyga dhaqaalaha Somaliland waa goob ka aradan dhamaan adeegyada Bulshada mana jirto cid ka hadlaysa ama u hadlaysa, dadka ku nool gobolkani intooda badan waa qaar qancay oo u dhexeeya Quus iyo rajo, waayo waa dad aanay raali galin qaabka loo maamulo dhaqaalaha baaxada leh ee ka soo baxa gobolka, oo aanay Jirin wax kharash ah oo ku soo noqdo si loogu dayactiro magaaladan ama loogu dhamaystiro adeegyada aasaasiga ah ee muhiimka u ah nolosha dadka.

Cusbitaalka Magaalada Berbera oo ah goobta ugu wayn adeegyada ay u baahan yihiin Bulshadu ayaa ah qaar hoy u noqday Bissado, dadka bukaanka ah ee yaala iyo Bisadaha waxaa badan bisaaska, waxaa dhexdiisa si raabo-raabo ah u tuulan xashiish, mana kala saari kartid goob xashiish iyo goob nadaafadeed midka ah tahay, waxaa dhexdiisa yaala Ambalance-kii kali ahaa ee magaalada oo xun isla markaana aan qabin wax badan oo u yaalo muddo badan, hadana aanay jirin cid ka damqanaysa ama u soo jeeda sidii loo hagaajin lahaa, Ambalance-kani waa kii muranka wayn ka dhex dhaliyay Alle ha u
naxariistee Maayarkii hore ee Magaalada Berbera Siciid Daa’uud iyo Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor-xoor, kaasi oo uu maareeyuhu amray in lagu caawiyo cusbitaalka Hargeysa isagoo aan war ka haynin baahida uu u qabo cusbitaalka Magaalada Berbera, waxaana diiday kana hor istaagay in la wareejiyo Ambulance oo ay ku caawisay gabadh qurbo joog ah Alle ha u naxariistee Siciid Daa’uud.

Dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare ee Magaalda Berbera way ka soocan yihiin dhamaan dugsiyada Somaliland, xilliyada imtixaanaadka la galayo, fasaxyada iyo wakhtiyada caadiga ah ee la galo subixii oo ah salaad hore, waxaa macalimiinta dhigta dugsiyadaasi ka muuqda daal iyo niyad jab ay keentay mushaharka la siiyo oo yar taasi oo ay la wadaagaan macalimiinta smaliland. Dhinaca ardaydu ma dadaal yara gaar ahaan kuwa ka baxaya dugsiyada sare laakiin waxaan caad ka saarnayn ardaydaasi inuu soo afjarmayo mustaqbalkooda waxbarasho maadaama aanay jirin jaamacad ay uga gudbaan markay dhamaystaan dugsiyada sare, inta dhaqaaluhu u saamaxaana waxay timaadaa jaamacadaha kale ee Burco,Hargeysa iyo Boorama waxaana iswaydiin mudan waa maxay sababta hor taagan in jaamac rasmiya loo sameeyo gobolka maadaama uu yahay
gobolkii xadaarada ugu horeeyay gobolada kale. Magaalada Berbera oo ah magaalo xeeb ah oo kulul, masuuliyiinteeda inta badanina ay ku faanto inay magaaladu hesho laydh ku fulin oo daboolay baahiyaha dadka, hadana waxaa jira walaac badan oo ay dadku ka muujiyeen dhinaca kharashka lagu bixiyo laydhka oo inta badani aanay awoodi Karin inay isticmaalaan oo qiimihiisu yahay halka Unit-8-dollar, Xaaladaha kala duwan ee ay ku nool yihiin dadka Berbera waa kuwo intooda badani ka sii daraya marba marka ka danbaysa,

Wariye Maxamed Axmed Muuse oo ah wariye ka tirsan Saxansaxo oo dadka ka waraystay duruufaha kala duwan ee haysta ayaa dadkii u la kulmay ay u sheegeen“Adeer waxaan leeyahay shan caruur ah, mar marka qaar way iskaga seexdaan cunto la’aan,
qaarkoodna waxay soo dabtaan kaluunka oo ay quutaan”. Sidaa waxa yidhi
Aabe ka mid ah dadka ku nool magaalada Berbera. “Horta hooyo Illaahaybay tiisa tahaye xaaladayadu waa mid iska liidata, markaanu helnana waanu cunaa markaanu waynana waanu iska seexanaa”.

Hooya ka mid dadka degan magaalada Berbera. Xaaladahaa kala duwan ee ay ku nool
yihiin dadkaasi waa kuwo aanay ka dareen ka qabin masuuliyiinta gobolka Saaxil. Goor kasta iyo goob kasta waxay ka yidhaahdaan “Gobolkani waa ka ugu dhaqaalaha badan Somaliland”.

Taasi oo ka jirta hadana waxaa ku dulman dadka ku nool oo Magaalada, intooda badanina waxay dareensan yihiin halka lagu maareeyo iyo cida sida tooska ah ay ugu tagto lacagta ka soo baxda gobolka “Dadku iyagoon waxba haysan ayay cashuurta khasab kaga qaadaan, mana jirto wax ku soo noqdo magaalada si loogu dayactiro ee waxay si toos ah u tagtaa Madaxtooyada iyo guriga Madaxweyne ku xigeenka”.

C/laahi Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Berbera. Dayaca baahsan ee ka muuqda magaalada waa mid ay canaanteeda leeyihiin masuuliyiinta xilka haysta oo aan ku fikirin sidii loo soo saari lahaa bilicda magaalada taasi oo ku soo jeedisay indhaha dadka ku nool magaalada iyo cidii booqasho ku timaada oo ay badanaa isku qaban waydo dhaqaalaha magaalada iyo siday u eegtahay. Dadweynaha ku nool magaalada Berbera ayaa dareemo kala duwan ka muujiyay aradnaanta ka muuqata magaalada oo intooda badani dusha ka saareen masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo cida xukuumada ka haysta ee u dhalatay gobolka xilka ee aan ku fikirin kor u qaadida bilicda Berbera “Berbera waxaa sidan u galay laba nin oo ooryo walaal ah (Madaxweyne ku xigeenka iyo Badhasaabka gobolka Saaxil) Maayarka iyo maareeyaha oo Maantana diyaar u ah in waxa dekeda ka dhoofa loo wareejiyo Jabuuti”.

Waa mid ka mid ah shaqaalaha dekeda oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Dadka degan magaaladan ayaa ah qaar ku canaanta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin inuu madaxweynaha kula dooday in aanuu u dhaafin hawlaha gobolka Saaxil isla markaana aan dan ka lahayn gobolka bari ka maalina waydiisan doono cod. Magaaladan Berbera ayaa ah meel ka goob ka duwan magaalooyinka kale, markaad u fiirsato dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha magaalada, waxaa indhahaagu qabanayaan Baabuur waa wayn oo ah kuwa xamuulka dhifna ku ah magaalooyinka dhigeeda ah, taasi oo ku tusaysa inay magaaladani tahay goob ganacsi laakiin la hagraday qayrkeediina ka hadhay iyadoo aanay magaaladani garanaynin cida u dayacan tahay.

Wariye: Maxamed Axmed Muuse (Kuraase)
Email This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Tell: 0025224417158
Hargeysa somaliland
  


 
 
 
 


Submited By hadhwanaag : 2009-06-25
Back  
 
 
MEMBERKA URURKA

Asalamu calaykum w.w.

walalayal waxa la idin ogaysiisnayaa in aad soo bixisaan dhigalkii yara ee Ururka kuna soo shubtaan kontada Ururka  amaa aad utagtaan Baankiina oo tidhaahdaan bishii waaxad u gooysaa 50kr Svenska Saaxil miljöskyddsförening konta ururka oo ah SWEDBANK  Kontonummer: 8327-9,904 803 967-2

WAAD MAHADSANTIIN

SCW

 

Membership

Donation